Diiwaanku wuu furan yahay Is-qor
Albasrawie Logo

Maqaallo

{'article_info': {'article_id': 25, 'topic': 'Shirka Deep Learning IndabaX Somalia 2023 | Waxaa nala aamin siiyey in aynnu 2 maalmood barnaamij wax-ku-ool ah dhisi karno', 'topic_context': 'Qofka kasta oo shirka ka soo qeyb galaa waxa uu dhisayaa barnaamij wax-ku-ool ah oo baahi jirta daboolaya iyada oo la adeeegsanaya waxayaabaha aan aqoon-is-weydaarsaga ka baranayno oo ah Chat GPT API', 'author': 'Fahad M. Albasrawie', 'article_category': 'Maqaal', 'article_date': '2024-10-20', 'img': 'https://maamul.albasrawie.com/myappdata/DeeplEarningIdaba202310.jpeg'}, 'article_content': '
Hordhac
\n
Waxa ay ahayd maalin fiican marka aan ogaanayey shirka aqoon-isweydaarsiga ee Deep Learning IndabaX Somalia. Aniga oo horaan ku taamayey xiiso gaar ahna u lahaa barnaamijyada maskaxda macmalka ah (AI) se la’aa ilo hor leh ama tababbare si qodqodan fahan iga siiya. Waxaa isoo gaaray shirka cusub ee Deep Learning IndabaX Somalia oo barnaamijyada taageera maskaxda macmalka (AI).Waxaan dareemay farxad iyo reenreen, durba waxaan u degdegay inaan isku qoro shuruud la’aan. Waxtarka ballaaran ee uu lahaa shirkaan oo ii soo ifayey awgeed ayaan saaxiibkay Axmed Khalif Muumin Cadde kula taliyey inuu isana igula weheliyo wadashaqaynta iyo waxqabadyada.
\n

\n
Inta lagu guda jiray is-qorista, shirkana uu 1 maalin ka harsan tahay, ayaa Engr Muniiro Cumar ( Agaasimaha Shirka) qoraal inoo soo dhigtay Kooxda WhatsApp oo aynnu ku midaysan nahay ka soo qeybgaliyaasha shirka, qoraalkeeda waxa ay inoogu sheegtay: “Qofka kasta oo shirka ka soo qeyb galaa waxa uu dhisayaa barnaamij wax-ku-ool ah oo baahi jirta daboolaya iyada oo la adeeegsanaya waxayaabaha aan aqoon-is-weydaarsaga ka baranayno oo ah Chat GPT API”
\n

\n
Sida caadiga ah, ka qeybgaliyaal ahaa, waan la yaabnay qoraalkaasi; oo waxaanu is-niro: “Laba maalmood gudahooda iyo dhisid barnaamij wax-ku-ool ah oo baahi jirta daboolaya waa bar-kuma-taal”. Waayo ma aaminsanayn in aynnu hirgalin karno.
\n
Si kastaba ha noqoto’e, waxa dhalatay maalintii shirka, innago oo la riyaaqsan aqoon-isweydaarsiga cusub filayana inaan kororsano cilmi cusub ayaa Engr Muniiro inoogu furtay khudbad waxtar leh oo isugu jirta Sooyaalka Deep Learning IndabaX Somalia, dhiirrigelin, bogaadin iyo ifsashada mustaqbal suuban.
\n

\n
Shirka waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro ka kooban wiilal iyo gabdho oo ka kala socda jaamacado kala duwan. Dhallinyarta dhammaantood kuwa aad ugu diyaarsanaa barnaamijka. Waxaanu isugu jirnay kuwa horaan wax uga fahansanaa figradaha Maskaxda Macmalka ah iyo kuwa billow u ah. Aniga, Fahad ahaan, waxaan ka tirsanaa kuwa aqoon hordhac ah ka haystay. Ha yeeshe ee waxa aan shirka ka soo korosaday waa ay ka gudbanaayeen filashadayda (Beyond My Expectation)
\n
Tababbarkii ayaa inoo billowday, waxaa la inoo hordhacay oo fahan qotodheer la innaga siiyey maskaxda macmalka ah (AI). Intaas ka dib, waxaa hore loogu sii guda galay baraatikada (Practicing). Waxaaa la inoo sharraxay tiknolojiyadda API iyo habka uu u shaqeeyo iyo sida aan ugu shaqayn lahayn. Intaasi ka dib waxaa la ina siiyey furaha API-ga Chat GPT aanu ku shaqayn lahayn.
\n

\n
Waxaa la inoo kala qeybiyey koox-koox si aan u wada shaqayno isla markaana aan u dhisno barnaamijyo wax-ku-ool ah dhammaadka shirka aqoon-isweydaarsaga. Wax badan kama soo wareegan, waan kooxownay waxaan billaabnay inaan samayso maskax tuujin si aan uag fikirno baarnaamijka aan hirgelinayno. Hawlwadeennada waxa ay ina siiyeen ku dhowaad 15 daqiiqo oo maskax-tuujin ah (brain-storing). Daqiiqadahaas gudahooda waxa aynu ku curinayo fikrado la yaab leh oo fiican. Koox kasta waa kaga oggolaaday aad baana loo soo dhoweey fikradahooda.
\n
Waa maalintii koowaad, waxaanu billaabnay in aan fikradayna u beddelno barnaamij annagoo adeegsanayna furaha API-ga ee Chat GPT. Koox kasta waxaa laga hubinayey in barnaamijkeeda laga dhax helo furahaasi (ChatGPT API key). Aniga iyo kooxdeyda maalinta koobaan waxaa inoo qabsoomay inaan hirgelino barnaamij (application) yar oo ChatGPT ku shaqaynayo.
\n
Maalintii labaad, waa maalin Jumco ah. Subaxdii horaanteed annaga oo application-keenna ku hawlan, ayaa Munira timid, waxa ay dhammaanteenna inoo sheegtay “inay galabta la abaalmarin doono 3da koox ee barnaamijkooda ugu fiican, dabcan barnaamijyadeenna dhan waa ay fiicnaayeen waxa aynna ahaayeen kuwa wax-ku-ool ah. Runtii dhiiragalin iyo tamar baanu ka qaadnay warkaasi farxadda leh, horey ayaanu u sii wadanay horumarinta mashruuceenna.
\n

\n
Si kastaba ha noqoto’e, waxaa soo dhowaatay galabta oo ahayd amminta ay koox kasta soo bandhigi lahayd waxqabadkeeda mashruuca. Annaga kooxdeenna, Eebbe mahaddiisa waanu gaarnay hirgelinta tijaabooyinna waanu marinay. Kolka uu application-keenna ku guuleystay tijaabooyin badan oo annaga dhexdeenna ah, waxaanu bandhigis horaad ah u samaynay Munira (Agaasimaha shirka), aad bay ugu riyaaqday waa ayna ku faraxday waxqabadkeenna. Iyada oo aad inoogu hambalyeenaysa waxa ay tiri: “Haddii aan aniga kala dooran lahaa marshruucyada, kiinna ayaan ugu horreysiin lahaa.” Dhab ahaan waxaanu gooni u dareennay yididdiilo hor leh.
\n
Goobta Bandhigga Mashruucyada – Astaan TV
\n
Waxaa naloo waday goobta bandhigga ee Astaan TV, haddii aan runlow noqdo, moodeynu ma hayn inaan goobtaan wax ku soo bandhigayno lakiin marka aan ogaanay waanu ku sii faraxnay waxaa uu inoogu muuqday in bandhig weyni jiro. Goobta waxa isu yimid dhallin yaro, aqoonyahanno waaweyn. Dabcan, ammin fiican bay ahayd xilligaas. Waxaa la guda galay daahfurka bandhigga. Waxaa furay agaasimaha Deep Learning IndabaX Somalia Munira Cumar. Hordhac iyo arar qurux badan oo ballaaran bay inooga bixisay barnaamijka shirka Deep Learning IndabaX Somalia iyo OpenAI. Intaasi ka dib waxaa ay sheegtay in la soo bandhigayo mashruucyada yaryar ee wax-ku-oolka ahaa ka dibna la abaaliyo koooxdii wax-soo-jeedintoodu wacnaato. Dhabtii, mashruucyo kala duwan oo waxtar leh ayaanu soo bandhignay.
\n

\n
Abaalmarin iyo boogaadin
\n
Aniga iyo kooxdeyda waxaanu dhisnay barnaamij qurux badan, hase yeeshe ee ma soo galin kaalmaha oo waxaa jiray kooxo kale oo iyagana soo bandhigay barnaamijo kala duwan oo naga mudnaa abaalmarinta. In kasta oo aynaan helin abaalgud haddana waxaanu ciyaarnay kaalin fiican oo boogaadin mudan. Guuleystayaashu waxaa la guddoonsiiyey abaalmarin qaali ah oo dhiiragalin ah. Kaalinta 1aad waxaa ay heshay $100, kaalinta 2aadna waxaa ay heshay $50 kaalinta 3aadna waxaa ay guddoomeen $25. Runtii wax fiican bay ahayd oo annaga dhan dareenkeenna kicisay rajooyin waxtar lehna ina dhaxal siisay.
\n

\n
Faa’idooyinka
\n
Ka-soo-qeybgalayaashu wax yar ma aynaan faa’idin, cilmiga, aqoonta, iskaashiga, isbarashada, iyo is-dhexgalka ka sokow, qof kasta waxa uu helay Fure ChatGPT (API Key), kaas oo loogu talagalay in horumariyayaashu (developers)-ka ay sii isticmaalaan oo ay sameeyaan barnaamijyo wax-ku-ool ah u=iyaga oo adeegsanaya Furaha ChatGPT. Iyo waxa kale oo ay heleen 1 sanno isticmaal lacag la’aan ah oo lagu magacaabo (Free plus user) oo ChatGPT ah. Taasi oo, runtii, ay ka dhigan tahay in ka-soo-qeybgale kasta uu helay lacag dhan $240. Tani aad bay inoo dhiirragalaisay.
\n
Gunaanad
\n
Qibraddayda ka-qeybgalka shirka aqoon-isweydaarsiga Deep Learning IndabaX Somalia, waxay ahayd mid door mug leh ku yeelatay safarkayga dhanka tiknolojiyadda, gooni ahaan qeybta Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence) iyo wixii la halmaalo. Sannadkaan nagu soo fool leh, aad baan u sugayaa inaan qeyb ka noqdo haddana si aan u kordhiyo wax-soo-saarkayga iyo xirfaddayda.
\n
Waan jecelahay shirka aqoon-isweydaarsiga Deep Learning IndabaX Somalia.
\n

\n

Oktoobar 20, 2024
Shirka Deep Learning IndabaX Somalia 2023 | Waxaa nala aamin siiyey in aynnu 2 maalmood barnaamij wax-ku-ool ah dhisi karno
Qofka kasta oo shirka ka soo qeyb galaa waxa uu dhisayaa barnaamij wax-ku-ool ah oo baahi jirta daboolaya iyada oo la adeeegsanaya waxayaabaha aan aqoon-is-weydaarsaga ka baranayno oo ah Chat GPT API

Hordhac

Waxa ay ahayd maalin fiican marka aan ogaanayey shirka aqoon-isweydaarsiga ee Deep Learning IndabaX Somalia. Aniga oo horaan ku taamayey xiiso gaar ahna u lahaa barnaamijyada maskaxda macmalka ah (AI) se la’aa ilo hor leh ama tababbare si qodqodan fahan iga siiya. Waxaa isoo gaaray shirka cusub ee Deep Learning IndabaX Somalia oo barnaamijyada taageera maskaxda macmalka (AI).Waxaan dareemay farxad iyo reenreen, durba waxaan u degdegay inaan isku qoro shuruud la’aan. Waxtarka ballaaran ee uu lahaa shirkaan oo ii soo ifayey awgeed ayaan saaxiibkay Axmed Khalif Muumin Cadde kula taliyey inuu isana igula weheliyo wadashaqaynta iyo waxqabadyada.

Muumin Cadde

Inta lagu guda jiray is-qorista, shirkana uu 1 maalin ka harsan tahay, ayaa Engr Muniiro Cumar ( Agaasimaha Shirka) qoraal inoo soo dhigtay Kooxda WhatsApp oo aynnu ku midaysan nahay ka soo qeybgaliyaasha shirka, qoraalkeeda waxa ay inoogu sheegtay: “Qofka kasta oo shirka ka soo qeyb galaa waxa uu dhisayaa barnaamij wax-ku-ool ah oo baahi jirta daboolaya iyada oo la adeeegsanaya waxayaabaha aan aqoon-is-weydaarsaga ka baranayno oo ah Chat GPT API”

Sida caadiga ah, ka qeybgaliyaal ahaa, waan la yaabnay qoraalkaasi; oo waxaanu is-niro: “Laba maalmood gudahooda iyo dhisid barnaamij wax-ku-ool ah oo baahi jirta daboolaya waa bar-kuma-taal”. Waayo ma aaminsanayn in aynnu hirgalin karno.

Si kastaba ha noqoto’e, waxa dhalatay maalintii shirka, innago oo la riyaaqsan aqoon-isweydaarsiga cusub filayana inaan kororsano cilmi cusub ayaa Engr Muniiro inoogu furtay khudbad waxtar leh oo isugu jirta Sooyaalka Deep Learning IndabaX Somalia, dhiirrigelin, bogaadin iyo ifsashada mustaqbal suuban.

Shirka waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro ka kooban wiilal iyo gabdho oo ka kala socda jaamacado kala duwan. Dhallinyarta dhammaantood kuwa aad ugu diyaarsanaa barnaamijka. Waxaanu isugu jirnay kuwa horaan wax uga fahansanaa figradaha Maskaxda Macmalka ah iyo kuwa billow u ah. Aniga, Fahad ahaan, waxaan ka tirsanaa kuwa aqoon hordhac ah ka haystay. Ha yeeshe ee waxa aan shirka ka soo korosaday waa ay ka gudbanaayeen filashadayda (Beyond My Expectation)

Tababbarkii ayaa inoo billowday, waxaa la inoo hordhacay oo fahan qotodheer la innaga siiyey maskaxda macmalka ah (AI). Intaas ka dib, waxaa hore loogu sii guda galay baraatikada (Practicing). Waxaaa la inoo sharraxay tiknolojiyadda API iyo habka uu u shaqeeyo iyo sida aan ugu shaqayn lahayn. Intaasi ka dib waxaa la ina siiyey furaha API-ga Chat GPT aanu ku shaqayn lahayn.

Waxaa la inoo kala qeybiyey koox-koox si aan u wada shaqayno isla markaana aan u dhisno barnaamijyo wax-ku-ool ah dhammaadka shirka aqoon-isweydaarsaga. Wax badan kama soo wareegan, waan kooxownay waxaan billaabnay inaan samayso maskax tuujin si aan uag fikirno baarnaamijka aan hirgelinayno. Hawlwadeennada waxa ay ina siiyeen ku dhowaad 15 daqiiqo oo maskax-tuujin ah (brain-storing). Daqiiqadahaas gudahooda waxa aynu ku curinayo fikrado la yaab leh oo fiican. Koox kasta waa kaga oggolaaday aad baana loo soo dhoweey fikradahooda.

Waa maalintii koowaad, waxaanu billaabnay in aan fikradayna u beddelno barnaamij annagoo adeegsanayna furaha API-ga ee Chat GPT. Koox kasta waxaa laga hubinayey in barnaamijkeeda laga dhax helo furahaasi (ChatGPT API key). Aniga iyo kooxdeyda maalinta koobaan waxaa inoo qabsoomay inaan hirgelino barnaamij (application) yar oo ChatGPT ku shaqaynayo.

Maalintii labaad, waa maalin Jumco ah. Subaxdii horaanteed annaga oo application-keenna ku hawlan, ayaa Munira timid, waxa ay dhammaanteenna inoo sheegtay “inay galabta la abaalmarin doono 3da koox ee barnaamijkooda ugu fiican, dabcan barnaamijyadeenna dhan waa ay fiicnaayeen waxa aynna ahaayeen kuwa wax-ku-ool ah. Runtii dhiiragalin iyo tamar baanu ka qaadnay warkaasi farxadda leh, horey ayaanu u sii wadanay horumarinta mashruuceenna.

Si kastaba ha noqoto’e, waxaa soo dhowaatay galabta oo ahayd amminta ay koox kasta soo bandhigi lahayd waxqabadkeeda mashruuca. Annaga kooxdeenna, Eebbe mahaddiisa waanu gaarnay hirgelinta tijaabooyinna waanu marinay. Kolka uu application-keenna ku guuleystay tijaabooyin badan oo annaga dhexdeenna ah, waxaanu bandhigis horaad ah u samaynay Munira (Agaasimaha shirka), aad bay ugu riyaaqday waa ayna ku faraxday waxqabadkeenna. Iyada oo aad inoogu hambalyeenaysa waxa ay tiri: “Haddii aan aniga kala dooran lahaa marshruucyada, kiinna ayaan ugu horreysiin lahaa.” Dhab ahaan waxaanu gooni u dareennay yididdiilo hor leh.

Goobta Bandhigga Mashruucyada – Astaan TV

Waxaa naloo waday goobta bandhigga ee Astaan TV, haddii aan runlow noqdo, moodeynu ma hayn inaan goobtaan wax ku soo bandhigayno lakiin marka aan ogaanay waanu ku sii faraxnay waxaa uu inoogu muuqday in bandhig weyni jiro. Goobta waxa isu yimid dhallin yaro, aqoonyahanno waaweyn. Dabcan, ammin fiican bay ahayd xilligaas. Waxaa la guda galay daahfurka bandhigga. Waxaa furay agaasimaha Deep Learning IndabaX Somalia Munira Cumar. Hordhac iyo arar qurux badan oo ballaaran bay inooga bixisay barnaamijka shirka Deep Learning IndabaX Somalia iyo OpenAI. Intaasi ka dib waxaa ay sheegtay in la soo bandhigayo mashruucyada yaryar ee wax-ku-oolka ahaa ka dibna la abaaliyo koooxdii wax-soo-jeedintoodu wacnaato. Dhabtii, mashruucyo kala duwan oo waxtar leh ayaanu soo bandhignay.

Abaalmarin iyo boogaadin

Aniga iyo kooxdeyda waxaanu dhisnay barnaamij qurux badan, hase yeeshe ee ma soo galin kaalmaha oo waxaa jiray kooxo kale oo iyagana soo bandhigay barnaamijo kala duwan oo naga mudnaa abaalmarinta. In kasta oo aynaan helin abaalgud haddana waxaanu ciyaarnay kaalin fiican oo boogaadin mudan. Guuleystayaashu waxaa la guddoonsiiyey abaalmarin qaali ah oo dhiiragalin ah. Kaalinta 1aad waxaa ay heshay $100, kaalinta 2aadna waxaa ay heshay $50 kaalinta 3aadna waxaa ay guddoomeen $25. Runtii wax fiican bay ahayd oo annaga dhan dareenkeenna kicisay rajooyin waxtar lehna ina dhaxal siisay.

Faa’idooyinka

Ka-soo-qeybgalayaashu wax yar ma aynaan faa’idin, cilmiga, aqoonta, iskaashiga, isbarashada, iyo is-dhexgalka ka sokow, qof kasta waxa uu helay Fure ChatGPT (API Key), kaas oo loogu talagalay in horumariyayaashu (developers)-ka ay sii isticmaalaan oo ay sameeyaan barnaamijyo wax-ku-ool ah u=iyaga oo adeegsanaya Furaha ChatGPT. Iyo waxa kale oo ay heleen 1 sanno isticmaal lacag la’aan ah oo lagu magacaabo (Free plus user) oo ChatGPT ah. Taasi oo, runtii, ay ka dhigan tahay in ka-soo-qeybgale kasta uu helay lacag dhan $240. Tani aad bay inoo dhiirragalaisay.

Gunaanad

Qibraddayda ka-qeybgalka shirka aqoon-isweydaarsiga Deep Learning IndabaX Somalia, waxay ahayd mid door mug leh ku yeelatay safarkayga dhanka tiknolojiyadda, gooni ahaan qeybta Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence) iyo wixii la halmaalo. Sannadkaan nagu soo fool leh, aad baan u sugayaa inaan qeyb ka noqdo haddana si aan u kordhiyo wax-soo-saarkayga iyo xirfaddayda.

Waan jecelahay shirka aqoon-isweydaarsiga Deep Learning IndabaX Somalia.

Qoraaga

Fahad M. Albasrawie