Diiwaanku wuu furan yahay Is-qor
Albasrawie Logo

Maqaallo

{'article_info': {'article_id': 16, 'topic': 'Sheekada Is Afgarad', 'topic_context': '«Waxaad inankaygii ku tiraahdaan, Bisuhu waa soddon, balliguna waa buuxaa.»', 'author': 'Fahad M. Albasrawie', 'article_category': 'Sheeko', 'article_date': '2024-10-12', 'img': 'https://maamul.albasrawie.com/myappdata/SHEEKADA_IS_AFGARAD.jpg'}, 'article_content': '<p style="text-align: justify;">Wiil baa cilmi u doontay meel ka durugsan degmadoodii. Muddo markii uu ku maqnaa baa aabbihii arkay safar u jeeda meeshii inanku joogay. Wuxuu ku yidhi, &laquo;Wiilkaygii iiga soo warrama&raquo;. Safarkii wuxuu tegey goobtii, inankiina farriintii bay u tebiyeen. &laquo;Aabbahay waxaad ku tiraahdaan waan ladnahay; shanta salaadoodse weyso qudha baan ku tukudaa&raquo;, inankii baa aabbihii u soo faray safarkii.</p>\n<p style="text-align: justify;">Nimankii baa soo laabtay oo farriintiina u keenay odaygii. Nasiib wanaag wuxuu helay markiiba kuwa kale oo u socda meeshii inanku joogey. Inankii wuxuu ugu dhiibay soddon saaf oo hilib ah iyo ubbo subag ah. Wuxuu yiri, &laquo;Waxaad inankaygii ku tiraahdaan, Bisuhu waa soddon, balliguna waa buuxaa.&raquo;&nbsp;</p>\n<p style="text-align: justify;">Intii Nimankii jidka ku sii jireen bay wax ka dhiciyeen ammaanadii oo intii kale u geeyeen inankii, farriintiina u sheegeen. Markii uu ka guddoomey alaabtii ee uu hubsaday tirsigeedii buu yiri, &laquo;alaabtii aabbahay idin soo dhiibay ma dhamma ee maxaa dhacay?&raquo;. Intay nimankii isku yaxyaxeen oo afka gacanta saareen bay ku yiraahdeen, &laquo;Waa runtaa ee naga raalli ahaw, xaal iyo xoolahaagii wixii ka maqnaa qaado, noona xil qari&raquo;.</p>'}
Oktoobar 12, 2024
Sheekada Is Afgarad
«Waxaad inankaygii ku tiraahdaan, Bisuhu waa soddon, balliguna waa buuxaa.»

Wiil baa cilmi u doontay meel ka durugsan degmadoodii. Muddo markii uu ku maqnaa baa aabbihii arkay safar u jeeda meeshii inanku joogay. Wuxuu ku yidhi, «Wiilkaygii iiga soo warrama». Safarkii wuxuu tegey goobtii, inankiina farriintii bay u tebiyeen. «Aabbahay waxaad ku tiraahdaan waan ladnahay; shanta salaadoodse weyso qudha baan ku tukudaa», inankii baa aabbihii u soo faray safarkii.

Nimankii baa soo laabtay oo farriintiina u keenay odaygii. Nasiib wanaag wuxuu helay markiiba kuwa kale oo u socda meeshii inanku joogey. Inankii wuxuu ugu dhiibay soddon saaf oo hilib ah iyo ubbo subag ah. Wuxuu yiri, «Waxaad inankaygii ku tiraahdaan, Bisuhu waa soddon, balliguna waa buuxaa.» 

Intii Nimankii jidka ku sii jireen bay wax ka dhiciyeen ammaanadii oo intii kale u geeyeen inankii, farriintiina u sheegeen. Markii uu ka guddoomey alaabtii ee uu hubsaday tirsigeedii buu yiri, «alaabtii aabbahay idin soo dhiibay ma dhamma ee maxaa dhacay?». Intay nimankii isku yaxyaxeen oo afka gacanta saareen bay ku yiraahdeen, «Waa runtaa ee naga raalli ahaw, xaal iyo xoolahaagii wixii ka maqnaa qaado, noona xil qari».

Qoraaga

Fahad M. Albasrawie