Saaxiibtinimadu waa xidhiidh dhex mara inta badan laba qof oo isku fac ah oo ku wada kora isku meel, ama meel wax ku wada barta, isla markaana heerka nolosha qoyskoodu uu san sii kala fogayn. Haddaba, labada qof ee saaxiibbada ah wuxuu mid waliba isku dayaa in uu u jiito saaxiibkii dhinaca rabitaankiisa gaarka ah, isaga oo hadal ahaan iyo ficil ahaanba ku qancinaya. Saaxiibtinimada wanaagsani waa kuwa kala qaata ama wadaaga talada isla markaana is caawiya.
Haddaba, Siraad iyo Samsam waxay ahaayeen laba gabdhood oo isku fac ah, waxayna dhigan jireen fasalka shanaad. Siraad iyo Samsam waxay ka dhasheen laba qoys oo daris ahaan jiray oo aad isu jeclaa. Siraad waxay ahayd gabadh aad ugu fiican dhinaca waxbarashada, mar kasta waxay isku dayi jirtay in ay gasho kaalinta koowaad, waxayna caan ku ahaan jirtay dabeecad wanaagga, edebta, daacadnimada iyo kartidaba. Samsamna waxay ahayd gabadh aad u wanaagsan, balse waxay saaxiibadeed Siraad kaga duwaneyd dadaal yarida dhinaca waxbarashada.
Siraad marka ay ka timaado dugsiga waxay akhrisan jirtay casharadeeda islamarkaana waxay ka shaqayn jirtay wixii shaqo guri ah ee loo diro. Samsamna marka ay dugsiga ka timaado waxay u tagi jirtay gabdho kale oo ay isku fac ahaayeen, kuwaas oo ay wakhtigooda ku wada lumin jireen sida ay u wada cayaarayaan ama u wada sheekaysanayaan. Samsam iyada oo aan waxba ka soo shaqayn wixii loo diray ayay dugsiga tagi jirtay maalin kasta, waxayna aad u jeclayd in Siraadna ay cayaaraha ka qayb qaadato.
Haddaba, Siraad oo ahayd gabadh aad u fikir badan oo marwalba isku dayi jirtay in ay ka caawiso gabdhaha faceeda ah dhinaca waxbarashada, ayaa markii ugu horaysay isku dayday in ay soo jiidato saaxiibadeed Samsam. Siraad waxay gurigooda ka dhex diyaarisay qol ay ku wada akhristaan iyada iyo saaxiibadeed. Mar kasta oo Siraad ay wax akhrisanayso waxay raadin jirtay Samsam. Samsamna markii dambe waxay ku dayan jirtay saaxiibadeed Siraad iyada oo isku dayaysay in ay kaalmaha hore gasho.
Gabagabadii, Samsam waxay ka mid noqotay gabdhaha kaalmaha hore gala islamarkaana lagaga daydo dadaalka dhinaca waxbarashada. Haddaba, waxaa halkan inooga soo baxday in saaxiibuhu ay is jiidan karaan, isla markaana ay is kaashiga ama wada akhriska ay kor ugu qaadi karaan waxbarashadooda.