Madasha Deep Learning IndabaX Somalia oo ay qabanqaabinayso Munira Omar ayaa ardayda Soomaaliyeed ugu baaqday ka qeybgalka Shirka Deep Learning Indaba. Ka qeybgalka waxaa ku sidkanaa shuruudo; shuruudahaasi waxaa asal u ahaa diris warqad cilmibaariseed. Waxaan dhiibay cilmibaaris ku saabsan Af Soomaaliga oo cinwaankeedu ahaa “Kala duwanaanshaha hab-dhigaalka far Soomaaliga bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda” (Orthographic Variability Among Somali People in Writing Somali Script). Qofkii warqaddiisa la qaato, waxa uu abaalmarin ahaan u heliyay inuu ka qeybgalo shirka DLI 2024 ee Senegal bixitaankiisana si buuxdo ayaa loo maalgelinayey (fully funded). Maalmo ka dib, markaan dirnay warqadaha, Eebbe mahaddii, warqadda Orthographic Variability Among Somali People in Writing Somali Script ayaa la qaatay in la soo bandhigo. Sidaasi darteed aniga ayaa ku soo baxay inaan shirka ka qeyb galo.
Shirku waa mid sannadle ah oo marba ka dhaca dal ka mid ah dalalka Afrika, sannadkaan waxa u ku qabsoomay caasimadda Dakar Senegal gaar ahaan jaamacad ku taal meel lagu magacaabo Diamniadio oo la yiraahdo UAM – Université Amadou Mahtar Mbow.
Shirka waxaa isugu yimid dadyow isugu jira aqoonyahanno, cilmibaarayaal, ardayo, barayaal sare, hoga-tusayaal (mentors), oo ka kala socda dawladaha caalamka. Shir sannadeedka kasta hal-ku-dhig gaar ah ayaa jira oo halhays loogu dhigayo; shirkaan hal-ku-dhiggiisu wuxuu ahaa: Xam Xamlé taas oo af Ingiriis loola jeedo (Gain knowledge and share) – Aqoon kororso dabadeedna wadaaji.
Dadka yimid shirka iyo kuwa martigaliyey (iyaga oo weeleynaya meelna marinaya hal-ku-dhiggaasi) ayaa waxay ahaayeen kuwa saaxiibgala oo aad soo dhoweyntoodu u fiican tahay. Mar kastana u furan inay xirriir sameeyaan qof kasta wuxuu raadinayey danihiisuna ahaa aqoon-isweydaarsi. Dhammaan wuxuu midba kan kale la wadaagayey aqoon, khibrad, xirfad tii uu heli karo garasho durugsanna u haya.
Waxaa xusud midan in shirka ay qeyb ka ahaayeen shirkadaha hoggaanka u haya tiknolijiyadda garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence Leading Companies) sida Insta Deep, OpenAI, Google iyo kuwa kaloo badan oo hawl hor leh ka haya arrimaha AI-ga.
Waxaan la kulmay in dhaafsan filashadayda oo aqoon iyo khibrad ah, ma filaynin hannaanka geeddi-socodka iyo nidaamyadiisa oo aan hoose ku taxay:
Goobta shirku ka dhacayo jaamacadda bay ahayd aad bayna u ballaarnayd waxaa u dhammaystirnaa giddii agabka loo baahnaan karo.
· Maalin kasta dhacdooyin kala jaad ah iyo waxqabadyo kala duwan ayaa la qabanayey.
· Saddex dhisme oo waaweyn ayay hawluhu ka kala socdeyn
o Qeybta bandhigga cilmi-baarisyada iyo aqoon-isweydaarsiga
o Qeybta tababbarka iyo fikrad curinta
o Qeybta maktabadda iyo akhrista
· Dadku aad bay u hawlanayeen kuwooda wax kala faa’aaideysanayo, kuwooda tababbar qaadanayo, kuwaooda wax dhegeysanayo, kuwooda wax soo bandhigayo iwm.
“Hadda wixii laga billaabo, waxaa ii korortay, inaan mooddeyda iyo filashadayda ku daro nidaamyadaasi kolka aan ka qeybgalayo shirarka caalamiga ah.”
Shirkaan waxaa si dheer loo boogaadinayey ardayda cilmi-baarayaasha hadda soo hanaqaadayo si mug lehna waa loogu dhiiragalinayey. Ka soo qeybgaliyaasha waxaa la guddoonsiinayey albaamarinno kala duwan oo heerar kala leh. Kuwa abaalgudka qaadanayey waxaa ka mid ahaa ardayda soo jeedisay warqad cilmi-baariseed (research paper and posters).
Anigu waxaan qeyb ka ahaa ardaydaasi oo warqadda soo bandhigtay isla markaasina la guddoonsiiyey abaalmarinta.
Waxaa kale oo aan xubin ka ahaa fikrado laga shaqeenayey inta uu socday tababbarka Sayniska Xogta (Data Science). Iyadana waxaan uga guddoonnay shahaaddo iyo abaalmarin.
Safarka Shirka Deep Learning Indaba 2024 ee aan ugu socdaalay dalka Senegal wuxuu ii ahaa waayo-aragnimo qoto dheer iyo ilbaxnimo oo maan iyo qalbi gashay. Haddii aan runlow noqdo, waxaan soo dheefsaday cilmi, aqoon iyo garasho mug leh waxa uuna ii horseeday aqoon-wadaag.
Si kastaba ha noqoto’e shirka Deep Learning Indaba wuxuu ii noqday xarig aan ugu fuulayo buurta dheer ee tiknolojiyadda Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence and ML). Waxaan soojeedin hor dhigayaa dhallinyarada Soomeeliyeen in ay aad u dhowraan un feejigaan shirarka noocaan oo kale ah.
Si gaar ah, abaalmarinta iyo garashada aan ka helay shirka, waxay gooni ahaan ii daraynsiiyeen rajo iyo yiddidiilo aayo leh. Waxaanna guddoonsaday inaan toos ahaan u meel mariyo hal-ku-dhiggii ahaa: “Aqoon kororso, dabadeedna wadaaji”
Waxaan mahadcelin u jeedinayaa, Eebbe ka sokow, jaalle Munira Cumar oo aalaaba u hawlan inay taageerto dhallinyarta Soomaaliyeed oo ku taamaya inay ku horumaraan aqoonta kumbiyuuterka (Deep Learning, ML, AI iwm.)