Waasuge waa bare wanaagsan oo xilkas ah, sannadkan wuxuu u dhigaa ardayda ku jirta dugsiga hoose, ee Wiil-Waal, ee ku yaal magaalada Xamar. Waxa uu dhigaa maaddada Kacaanka. Ardaydiisu aad bay u jecel yihiin habka iyo niyad-samida uu wax u baro, isaguna aad buu u jecel yahay, wuxuuna ku ammaannaa sida fiican ee ay wax u bartaan.
Markii uu saaka soo galay fasalka «4B», ayuu ardaydii u sheegay in ay u daawasho tagayaan mashruucyada iskaa wax u qabso lagu dhisayo ee magaalada la socda. Intuu kaxeeyey ayuu ku soo wareejiyey xaafadaha ay magaaladu ka kooban tahay. Meeshii ay tagaanba waxay la kulmayeen dad fara badan oo shaqooyin faraha kula jira. Dadkaas oo isugu jiray hooyooyin, dhallinyaro iyo shaqaale, waxay ku heesayeen heeso ay ku jiraan waddaninnimo iyo kacaannimo, waxaana ka mid ahaa «Waa iskaa wax u qabso, qofna looma qarshee, geestaa qabo, ila qaad, yay qalloocane, qotomi».
Waxay ardayda iyo barahoodiiba la yaabeen farxad iyo kalgacayl ku beeray sidii xilkasnimada lahayd ee hooyooyinka iyo odayaasha da’da joogay ay howsha uga qayb qaadanayeen. Waxaana dhacday in ay ardaydii iyo barihiiba is-hayn kari waayeen oo ay shaqooyinkii ka qayb galeen. Mashruucyada ka socday meelaha ay tageen aad bay u fara badnaayeen; waxaana ka mid ahaa: dugsiyo, isbitaallo, jidad, beero lagu nasto, golayaasha hanuuninta iyo iwm.
Markii ay dugsigii ku soo laabteen ayuu barihii ardaydii uga sheekeeyey kana dhaadhiciyey faa’iidada iskaa wax u qabso leedahay. Waxaannu hadalkiisii ku bilaabay: «Iskaa wax-u qabso waa habka ama tabta lagu gaari karo horukac degdeg ah, xagga dhaqaalaha, waxa weeye naftaada ku kalsoonow, muruqaaga iyo maskaxdaadana adeegso adiga oo aan kaalmo iyo gargaar ka sugaynin cid kale. Waxa weeye, in wadajir wax loo qabsadaa oo aan hawsha la isku eegin».