Diiwaanku wuu furan yahay Is-qor
Albasrawie Logo

Maqaallo

{'article_info': {'article_id': 21, 'topic': 'Heshiis Darro', 'topic_context': '«Bal haddaynnu markii innagu qunyar ku heshiin lahayn, waxaasi oo khasaaro ahi inama qabsadeen». Markaasay tii kale tiri: «Waa runtaa».', 'author': 'Fahad M. Albasrawie', 'article_category': 'Sheeko', 'article_date': '2024-10-13', 'img': 'https://maamul.albasrawie.com/myappdata/image1_0.jpg'}, 'article_content': '<p class="MsoNormal" style="text-align: justify;">Laba bisadood baa habeen isa soo raacay guri bay u dhaheen oo ay hilib ka xadeen. Markii ay debedda ula soo baxeen ayay mid waliba doontay in ay ta kale ka qayb badsato. Halkii bay isku laayeen, wajiga ayey iska diirteen. Qaddar markii ay is xagxaganayeen ayay mid tii kale ku tiri: &laquo;Naa waan isku dhimanaye aynu garsoore isula tagno hilibka ha inoo kala qaybshee&raquo;. Bisaddii kalena taladaa ayay yeeshey.</p>\n<p class="MsoNormal" style="text-align: justify;">Waxay u yimaadeen daayeer. Hilibkii bay hor dhigeen; in uu si sinnaan ah ugu qaybiyo ayay weydiisteen. Daayeerkii mindi iyo miisaan buu soo qaaday. Hilibkii buu laba u qaybshay. Qaybba kafad buu saaray. Kolba dhinaca cuslaada ayuu in weyn ka jaraa oo uu cantuugaa ilaa uu hilibkii sidaas ku laastay.</p>\n<p class="MsoNormal" style="text-align: justify;">Markaasuu labadii bisadood ku yiri: &laquo;Sidaas baan midkiinna qayb dheeraad ahi aanay ku raacin&raquo;. Markaasay labadii bisadood caro iyo ciil uga baxday. Waxay sameeyaan-na way garan waayeen. Mid baa tii kale ku tiri: &laquo;Bal haddaynnu markii innagu qunyar ku heshiin lahayn, waxaasi oo khasaaro ahi inama qabsadeen&raquo;. Markaasay tii kale tiri: &laquo;Waa runtaa&raquo;.</p>'}
Oktoobar 13, 2024
Heshiis Darro
«Bal haddaynnu markii innagu qunyar ku heshiin lahayn, waxaasi oo khasaaro ahi inama qabsadeen». Markaasay tii kale tiri: «Waa runtaa».

Laba bisadood baa habeen isa soo raacay guri bay u dhaheen oo ay hilib ka xadeen. Markii ay debedda ula soo baxeen ayay mid waliba doontay in ay ta kale ka qayb badsato. Halkii bay isku laayeen, wajiga ayey iska diirteen. Qaddar markii ay is xagxaganayeen ayay mid tii kale ku tiri: «Naa waan isku dhimanaye aynu garsoore isula tagno hilibka ha inoo kala qaybshee». Bisaddii kalena taladaa ayay yeeshey.

Waxay u yimaadeen daayeer. Hilibkii bay hor dhigeen; in uu si sinnaan ah ugu qaybiyo ayay weydiisteen. Daayeerkii mindi iyo miisaan buu soo qaaday. Hilibkii buu laba u qaybshay. Qaybba kafad buu saaray. Kolba dhinaca cuslaada ayuu in weyn ka jaraa oo uu cantuugaa ilaa uu hilibkii sidaas ku laastay.

Markaasuu labadii bisadood ku yiri: «Sidaas baan midkiinna qayb dheeraad ahi aanay ku raacin». Markaasay labadii bisadood caro iyo ciil uga baxday. Waxay sameeyaan-na way garan waayeen. Mid baa tii kale ku tiri: «Bal haddaynnu markii innagu qunyar ku heshiin lahayn, waxaasi oo khasaaro ahi inama qabsadeen». Markaasay tii kale tiri: «Waa runtaa».

Qoraaga

Fahad M. Albasrawie