Diiwaanku wuu furan yahay Is-qor
Albasrawie Logo

Maqaallo

{'article_info': {'article_id': 15, 'topic': 'Habka Maridda Jidka', 'topic_context': 'Si nabadgelyada jidadka loo ilaaliyo, shilalka ka imaan karana looga hortago, waxa dalka oo dhan guud ahaan, loo dejiyey xeer tilmaamaya habka maridda jidadka.', 'author': 'Fahad M. Albasrawie', 'article_category': 'Maqaal', 'article_date': '2024-10-12', 'img': 'https://maamul.albasrawie.com/myappdata/HABKA_MARIDDA_JIDADKA.jpg'}, 'article_content': '
Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Xamar, Hargeysa iyo Kismaayo oo kale, waxa ku yaalla jidad badan oo weliba dhismahoodu yihiin nooca ugu dambeeya. Waxaase jirta in Xamar oo ah magaalo-madaxda Soomaaliya, ay leedahay jidadka ugu waaweyn, uguna dhaadheer, haddii loo eego kuwa ku yaal magaalooyinka kale ee Soomaaliya, sababta oo ah, waa magaalada ugu baabuur iyo dadba badan.
\n
Si nabadgelyada jidadka loo ilaaliyo, shilalka ka imaan karana looga hortago, waxa dalka oo dhan guud ahaan, gaar ahaanna Xamar loo dejiyey xeer tilmaamaya habka maridda jidadka.
\n
Qodobka saldhigga u ah xeerkaas waxa weeye kan u tilmaamaya baabuurta iyo dadka lugaha ku socda habka wanaagsan ee laga doonayo in ay raacaan. Qodabkaasi waxa uu baabuurta farayaa in ay jidka ka maraan dhanka midigta, dadka lugaha ku socdaana bidixda.
\n
Si loola socdo habka maridda jidadka, waxa loogu talo galay agagaarka jidadka calaamado muujinaya sida la doonayo in jidka loo maro. Calaamadahaas waxa ka mid ah ta tilmaamaysa marka uu jidku xidhan yahay, oo ah «Joogso».
\n
Waxa jidadka waaweyn ee magaalada Xamar mid walba geeska kaga yaal nal weyn (Nalka nabadgelyada jidka), nalkaasi waxa uu leeyahay laba midab: Cagaar iyo Guduud; waxayna tilmaamayaan habka maridda jidadka. Midabka cagaaran marka uu ifo, waxa uu jidku u furan yahay oo gudbi kara baabuurta oo qura; midabka casina waxa uu joojiyaa baabuurta.
\n
Waxa la rabaa dadka baabuurta wadaa in ay ka digtoonaadaan baabuurta ka horreysa iyo kuwa ka dambeeya; ogaadaan in ay jidka ka leeyihiin dhanka midig; aqoonna u yeeshaan xeerka nabadgelyada jidadka. Waa in aan hoonka baabuurta laga dhawaajin marka la ag marayo cusbitaallada iyo dugsiyada agtooda. Dadka lugaynaayana waxa habboon in ay bartaan asluubta jidka loo maro, sidii uu u ilaalin lahaa xeerka jidadka u dejisan.

Oktoobar 12, 2024
Habka Maridda Jidka
Si nabadgelyada jidadka loo ilaaliyo, shilalka ka imaan karana looga hortago, waxa dalka oo dhan guud ahaan, loo dejiyey xeer tilmaamaya habka maridda jidadka.

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Xamar, Hargeysa iyo Kismaayo oo kale, waxa ku yaalla jidad badan oo weliba dhismahoodu yihiin nooca ugu dambeeya. Waxaase jirta in Xamar oo ah magaalo-madaxda Soomaaliya, ay leedahay jidadka ugu waaweyn, uguna dhaadheer, haddii loo eego kuwa ku yaal magaalooyinka kale ee Soomaaliya, sababta oo ah, waa magaalada ugu baabuur iyo dadba badan.

Si nabadgelyada jidadka loo ilaaliyo, shilalka ka imaan karana looga hortago, waxa dalka oo dhan guud ahaan, gaar ahaanna Xamar loo dejiyey xeer tilmaamaya habka maridda jidadka.

Qodobka saldhigga u ah xeerkaas waxa weeye kan u tilmaamaya baabuurta iyo dadka lugaha ku socda habka wanaagsan ee laga doonayo in ay raacaan. Qodabkaasi waxa uu baabuurta farayaa in ay jidka ka maraan dhanka midigta, dadka lugaha ku socdaana bidixda.

Si loola socdo habka maridda jidadka, waxa loogu talo galay agagaarka jidadka calaamado muujinaya sida la doonayo in jidka loo maro. Calaamadahaas waxa ka mid ah ta tilmaamaysa marka uu jidku xidhan yahay, oo ah «Joogso».

Waxa jidadka waaweyn ee magaalada Xamar mid walba geeska kaga yaal nal weyn (Nalka nabadgelyada jidka), nalkaasi waxa uu leeyahay laba midab: Cagaar iyo Guduud; waxayna tilmaamayaan habka maridda jidadka. Midabka cagaaran marka uu ifo, waxa uu jidku u furan yahay oo gudbi kara baabuurta oo qura; midabka casina waxa uu joojiyaa baabuurta.

Waxa la rabaa dadka baabuurta wadaa in ay ka digtoonaadaan baabuurta ka horreysa iyo kuwa ka dambeeya; ogaadaan in ay jidka ka leeyihiin dhanka midig; aqoonna u yeeshaan xeerka nabadgelyada jidadka. Waa in aan hoonka baabuurta laga dhawaajin marka la ag marayo cusbitaallada iyo dugsiyada agtooda. Dadka lugaynaayana waxa habboon in ay bartaan asluubta jidka loo maro, sidii uu u ilaalin lahaa xeerka jidadka u dejisan.

Qoraaga

Fahad M. Albasrawie