Sida ay ku suntan tahay barta Albasrawie, waxaa tababbartayaasha loo qabtay baratan ku saabsan barnaamijeynta kumbiyuuterka (Computer Programming) baratankani waxa uu ahaa ku tijaabo ah se tababbartayaashu badankood kama war hayn inuu yahay tartanka ugu horreeyay. Si kartaba ka noqoto’e dad yar ayaa u feejignaaday in ay ku soo ifbaxaan tartankaan.
Tartankani waxa uu ahaa mid lagu cabirayo heerka ay tababbartayaashu ka joogaan dhibaato xalinta (problem solving). Waxaa lagu tijaabinayey hab fikirka, maskaxtuujinta iyo furfurista ay u leeyihiin code qorista. Tijaabada waxaa ka mid ahaa sida ay u aqoontooda u waafajiyaan islamarkaana ay ugu dabaqaan barnaamij-samaynta (programming).
Dhibka loo diray inay maareeyaan waxa uu la heer ahaan casharrada ay qaateen. Waxa uu in badan soo kulminayey adeegsiga tabaha iyo xeeladahay ay tababbarka ku soo qaateen. Waxyaabaha ay soo barteen waxaa ka mid ahaa:
· Sida qoraal loo soo daabaco (printing and displaying text)
· Xisaabfallada (_, -, *, / iwm)
· Jaadadka xogta int str, float (Data Types)
· Doorsoomayaasha (variables)
· Adeegsiga Fansaarrada asaasiga ah sida print(), input(), len().
· Iyo cashar kale oo aad xiisa u leh oo ah Xakamaynta Qulqulka Barnaamijka (Flow Controls)
o if, else iyo elif
o Sida loo sawirro jaantuska qulqulka (Flow chart)
Iyada oo loogu gol leeyahay in la hubi sida ay u deegsanayaan waxyaabaha ay soo barteen, ayaa waxaa la hor dhigay in ay sameeyaan barnaamij fulinayaa xisaabaadka kalkuleetar. Waxaana loo weyddiiyey sida tan:
"Dhis barnaamij qabanayo xisaabfal. Banaamijku waxa uu u shaqeeyaan sida kalkuleetarka oo kale hadba waxa uu xisaabiyaa tibxaha (expression) uu adeegsadaha soo gashado. Tusaale 22+22. Kolkaasna barnaamijku waxa uu soo bandhigaa natiijada tibxahaas oo ah 44.0."
Loollankaan waxaa ku soo ifbaxay tababbartayaashaan:
B) Khadiijo Xuseyn Cali
T) Cabdimajiid Cabdow
J) Nuur Cusmaan
X) Salma Cumaan
Kh) Ibraahim Axmed
D) Nasteexo Maxamed Cabdi
R) Xafso Bootaan
S) Tasniimo Daahir Geelle
Dhammaantood wax ay la yimaadeen xalal kala duwan se hal natiijo soo saarayo. Waxaa la gaaray ammintii soo bandhigista natiijadooda. Qof kasta waa la tijaabiyey barnaamijkiisa. Runtii, waxa jirtay waxyaabo asaasi ah loo la xiriiray waxqabadka sida: In lagu soo sidkiyo muqaal ah inaad soo duubtid sida aad u xalisay barnaamijka. Sidaas darteen, waxa tartanka ka haray Nasteexo, Xafso iyo Tasniima oo iyaga qodobkaasi ma buuxin.
Tartanka waxaa la rabay inuu hal qof ku soo baxo, waxaa hore loo sii guda galay kala reebistii. Waxaa barnaamijkeeda la tijaabiyey Salma Cusmaan, barnaamijkeeda waxa uu ku dhacay marka lagu tijaabiyey tibixdaan:
10/0, Salma barnaamijkeeda waxa uu soo saaray laaxin ama qalad (syntext error)
Tijaabadaan waxaa ku haray Salma, iyo Ibraahiim.
Waxaa la sii dhammaystiray tijaabada borgaraamyada, ileen hal qof uun ayaa la rabaa’e, waxaa haddana qalad lagu arkay jaantuska uu sameeyey Nuur Cusmaan. Waxaa is-khilaafay code-ka uu qoray Nuur Cusmaan iyo Jaantuska uu sameeyey marka uu xalinayey dhibka. Hoose waxaan ka arki karnaa code-ka Nuur Cusmaan iyo sida ay isku khilaafeen jaantuskiisa:
Nuur Cusmaan jaantuskiisa kuma cada meesha uu ku xaliyey dhibka ah marka uu adeegsadaha soo galiyo tibixdaan: 10/0. Halkaanna waxaa ku haray Nuur Cusmaan.
Intaasi ka dib, Khadiija iyo Cabdimajiid ayaa borgaraamkooda dhowr tijaabo maray si midkood haddana loo harsiiyo. Tijaabooyinku waxa ay ahaayeen kuwa cajiib ah. Wax badan oo tijaabo ah markii ay mareen waxaa durba laaxin ama qalad (syntext error) ku soo baxay code-ka uu qoray Cabdimajiid Cabdow. Marka code-kiisa la kiciyey oo lagu tijaabiyey input-kaan 9 wuu qaban waayey, waayo qiimahaasi ma ahayn qiimo uu borgaraamkiisu filayey sidaas daraadeed waxaa soo booday qaladkaan.
Wuu halgamay Cabdimajiid se waxaa curyaamiyey tijaabooyinkii badnaa ee la sameeyey. Cabdimajiid wuu ka haray baratanka.
Waxaa la qaatay code-ka ay qortay Khadiijo Xuseyn Cali baratankeedu wuxuu ahaa ku adag oo xoog leh. Marka hore waxa ay dhammaystirtay wixii shuruudo u ahaa tartanka haddii ay noqoto muuqaal duubis, sawirka jaantuska qulqulka (Flow Chart). Ugu dambaynna waxaa ay qortay code (computer code) hufan oo wax-ku-ool ah kaa soo ugu dambayn ka soo ifbixiyey tartanka.
Khadiijo Xuseyn Cali, marka lagu dhawaaqay natiijada, aad bay ula riyaaqday saaxiibadeedna waxa ay kula dabbaaldegeen farxad, reenreen iyo faan.
Tababbarre Fahad M. C. aad buu ugu mahad celiyey waxqabadkeeda waxa uuna u sheegay in ay heli doonto abaagud qaali ah. Intaasi ka dib, Fahad waxa uu soo jeediyey in baratankaasi uu ahaa kan ugu horreeyey se aanu ahayn kan ugu dambeeyey sidoo kalana ay jiri doonaan tartamo ka sii xiiso leh kuwaas oo lagu xalin doono dhibaha kumbiyuuterka (Problem Solving).
Erey-fur
Baratan: tartan/loollan
Sidkiyo: lagu soo daro
----
Fiirso natiijada ugu dambaysay iyo sida ay ku soo baxday Khadiijo Xuseyn