Diiwaanku wuu furan yahay Is-qor
Albasrawie Logo

Maqaallo

{'article_info': {'article_id': 22, 'topic': 'Dhammaantood Waxa ay u Shaqeeyaan Dalka', 'topic_context': 'Dal dadkiisaa dhisa', 'author': 'Fahad M. Albasrawie', 'article_category': 'Maqaal', 'article_date': '2024-10-13', 'img': 'https://maamul.albasrawie.com/myappdata/image1_0_6.jpg'}, 'article_content': '
Dadku dhul la’aan ma dhaqmo, dhulkuna dad la’aan ma dhismo. Inkasta oo qolo waliba shaqo gaar ah ay leedahay haddana xubnaha dadweynaha ka kooban yahay oo dhammi way is kaabaan waxana ay u wada shaqeeyaan dalka.
Reer miyigu, tusaale ahaan, waxa ay dhaqaan xoolaha nool oo ah lafdhabarta nolosha bulshada Soomaaliyeed. Beeralaydu-na waxa ay ku tacbaan soo saarista tacabka beeraha habeen iyo maalin, iyada oo himiladoodu tahay in ay dadka Soomaaliyeed usoo saaraan dhuunni ku filan. Sidaas oo kale ayaa kalluumaysatadu habeenada mugdiga ah u bareeraan halista badaha kacsan, iyaga oo dhex maaxaya hirarka is laba rogaaya iyo dabaylo duufaanno wata.
\n
Haddii aynnu eegno doorka birtumayaasha, waxa aynnu arkaynaa in ay had iyo jeer dul joogaan ololka iyo omoska dabka, iyaga oo aan jirkoodu marnaba damqaneyn. Maxaa inoo-ga faa’iida badan gacanta inoo samaysa sariiraha, miisaska iyo kuraasata iyo qalabka kala duwan ee beeraha! Ciidamada Xoogga Dalku waxa ay naftooda u huraan gaashaandhiga dalkooda. Ciidamada Booliskuna waxa ay habeen oo dhan ku wareegaan magaalooyinka si ay u ilaaliyaan nabad gelyada dadka hurdadooda boganaya!
\n
Shaqaaluhu waxa ay habeen iyo dharaar qodaan dhulka, waxa ay jebiyaan dhagaxa, waxayna ka shiilaan camuudda iyaga oo naftooda u bandhigaya dhibaato iyo halis. Macallimiintu waxa ay goor kastaba ku foogan yihiin wax barista ubaxa dalka iyo dadka kaleba si ay u soo saaraan hogaamiyayaashii berrito.
Waliddintu waxa ay xooggooda iyo xoolohooda u huraan korinta carruurta si ay ugu diyaariyaan in ay berri ka maalin dalkooda wax u taraan.

Oktoobar 13, 2024
Dhammaantood Waxa ay u Shaqeeyaan Dalka
Dal dadkiisaa dhisa

Qoraaga

Fahad M. Albasrawie