Machadka hal-abuurka ee Simad iLAB waxa ay soo bandhigtay fursad maalgelineed oo loogu gol lahaa in lagu taageero dhallinyarta Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh. Maalgelintani waxa ay ahayd mid si rasmi ahi loo taabagalinayo, dhallintana (oon aniga ku jiro) ku abuurtay rajo gooni ah oo dhammaad fiican leh. Aniga ahaan waxaan dareemay inuu jiro tartan kakan oo dhallinyartu ku soo ifbixinayso fikradaha ay hiyigooda ku hayaan. Si kastaba ha noqoto’e, waan u kuurgalay inaan ka mid noqdo tartamayaasha. Si hagaagsan oo dareen leh baan u tabaabushtay, dabadeedna waxaan u gada galay dirista codsiga iyo dhiibista fikradda hal-abuurka.
Bilooyin tirsama bay warcelintu iyo natiijadu maqnayd markii aan arkay farriin-danabeed ama dhambaal la iigu warramayo in hal-abuurkaygu ka gudbay wareegga 1aad. Waxaa la ii sheegay inaan isku diyaariyo soo-jeedinta fikradda iyo hal-abuurka. Waxaa farriinta ku sidkaneed qoraallo iyo dukumentiyo la iiga baahan yahay ka hor inta aanu la gaarin wax-soo-jeedinta wareegga labaad.
Hawl wadeennada barnaamijka waxaan ka helnay waxqabad fiican oo isugu jira: tababbarka hab wax-soojeedinta, diyaarin iyo dhiiragalinno waxtar leh. Waxa ay dhab ahaan inoo warrameen tabihii aynu ku guulaysan lahayn waxa ay na siiyeen tilmaamo oo kii dhaqan galiyaa ay guushu u soo hoyanayso.



Intaasi ka gadaal, waxaa la daahfuray maalinta wax-soojeedinta. Agaasimayaasha maalgelinta ayaa yimid si ay inoogu daahfuraan barnaamijkeenna maalintaasi.

Waxa ay ina siyeen, iyaga, tilmaamo. Waxay inoo fureen weyddiimo aan ku warsan karno hannaanka maalgelinta iyo waxyaabo kale oo ku qotama ganacsiga. Si faahfaahsan oo qodqodan bay inoogu warnaqeen wayddiimihii. Way inoo duceeyeen waxa ayna inoo rajeeyeen guul iyo gobanimo sidaasi baanay nagu sagootiyeen iyaga oo farxad, faanfaan iyo niyad sami inoo hayaan.



Waxa ayna nagu dhiiragaliyeen inaynu noqono hal-abuurayaasha maanta iyo beri ee dalka kaalin mug leh ka gaysanayo dhinaca wax-soo-saarka iyo shaqaalaysiinta.
Waxaa la inoo diyaariyey garsoorayaal iyo guddi qibrad durugsan u leh barnaamijka hal-abuur iyo ganacsi. Kolkaasi, waxaa, Eebbe mahaddii, inoo bilowday maalmihii wax-soo-jeedinta. Garsoorayaashu aad iyo aad bay inoogu so dhoweeyeen waji-furnaan, daacadnimo, dhoolacaddeyn iyo dhegeysiga fikradahayna, waxa ayna sidoo kale ahaayeen kuwa aad u firfircoon oo dhegeysi badan.


Kani waa aniga oo jooga barta wax-soo-jeedinta. Ammintaan waxay ii ahayd mid hagaagsan. Waxaan soo ifbixiyey fikraddayda, waxaan abbaaray barta ay dhibtu ka jiro, waxaan faaqiday xalalka. Markaan dhammaystay wax-soojeedintayda. Garsoorayaashu, mid kasta, waxa uu i weyddiiyey su’aalo. Anigana si geesinimo iyo tamari ku jirta ayaan ugu warnaqay. Eebba mahaddii waan dhammeyey wax-soo-jeedinta.


Kani waa qoraal af Ingiriis ku qoran oo lagu daabacay bogga facebook ee Simad iLAB. Waxa uu soo koobayaa oo uu fikrad ka bixinayaa halka uu cuskanayo hal-abuurka ganacsi ee soo jeediyey.
“๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ซ๐๐ฐ๐ขe is on stage pitching their innovative business idea. Albasrawi operates across the creative, technology, and education sectors, specializing in software development powered by Artificial Intelligence and Machine Learning. Its core focus is on developing Natural Language Processing (NLP) tools tailored to the Somali language - bridging the digital gap through smart, and localized innovation"
#LeapMicrofinance #SIMADUniversity #SIMAD25 #SIMADiLabians #iLabDiaries #Innovation #Entrepreneurship”
Haddii loo tarjumo af Soomaali:
“Waxaa barta soo jeedinta taagan kooxda Albasrawie oo soo bandhigaya fikradda hal-abuur ganacsi ay leeyihiin. Hal-abuurka Albasrawie waxa uu ka shaqeeyaa tiknolojiyadda iyo waxbarashada iyada oo gooni diiradda lagu saarayo horumarinta nidaamyada ku shaqeeya garaadka macmalka ah (Artificial Intelligence). Waxa uu udubdhexaad u yahay horumarinta iyo kobcinta af Soomaaliga iyada oo la adeegsanayo tiknolojiyadda “Hab-falanqaynta Luuqadda Dabiiciga ah” NLP.”
Aniga oo hal-abuurkani ku salaysan afka Hooyo oo gooni ahan u danayn jiray inaan mar uun kiciyo, hodmiyo ayaa haddana igu sii dhiiragalisay weer aan ka akhristay buug af Soomaali (fasalka 4aad ee dugsiga sare).

Anigoo ku kani-adeegayo weerta ku dhigan buugga, ayaan af Soomaaliga ku leexjiyay abbaarta hal-abuurkayga.
Gunaanad:
Dhab ahaan kolkaan baa iigu horraysay inaan tartan u galo maalgelin fikrad iyo hal-abuur ganacsi. Ma rajaynayo inaan ka nabaadguuro oo ay noqoto markii iigu dambaysay. Waaxaan gooni ahaan u dareemayaa in hal-abuurkaan udub-dhexaad yahay isla markaana habboon in lagu kani-adeego. Tartankani waxaan ka dheefay garaad kobac, qibrad iyo inaan ka hamad jebin meel dheer gaarsiinta hal-abuurkan haddii Eebbe yiraahdo.
Hal-abuure: Fahad M. Abdullahi
Erey-fur
Hiyiga = Maan/maskax
Farriin-danabeed = Email
Sidkan = lifaaqan
Hamad = Niyad