Warsame iyo aabbihii ayaa maalin maalmaha ka mid ah doonni ka soo raacaya magaalada Xamar. Waxayna ahayd markii ugu horreysay oo Warsame iyo aabbihii doonni ku socdaalaan.
Waxa doonnida la socday kow iyo toban rakaab ah oo aanay Warsame iyo aabbihii ku jirin iyo laba iyo toban badmaax oo doonnida ka shaqaynaayey. Doonidu mar ay arooryo hore ahayd ayey ka soo shiraacatay Xamar. Maalintaas oo dhan wuxuu dadkii doonida saarraa ku jiray socdaal raalli geliyey farxadna ku beeray, waayo, badda ayaa aad iyo aad u deggenayd oo doontu dabaysha iyo waxyaabaha kiciya duufaanta midna lama ay kulmin.
Nasiib darrose waxa dhacday in habeenkii dambe fiidkii uu si lama filaan ah roob lixaad leh u da’ay dufaanno soo kiciyey, isla markaana dabaylo xoog badan baa doonidii ililay. Dadkii doonida saarraa markii ay arkeen halista ay ku sugan yihiin ayey iyaga oo bisinka boobaya Ilaahay baryeen oo yiraahdeen «Eebbow, naga badbaadi khatarta aanu ku jirno, adiga ayaa awoodi karee».
Marba marka ka dambeysa ayaa roobkii iyo duufaankii sii kacaysay, waxaana dhacday in shiraacii doonida daadihinayey dil-dillaacay, takhalkii dooniduna bartanka ka jabay. Badmaaxyadii iyo rakaabkiiba waxay ka quusteen nolol, waxayna qoondaysteen geeri.
Nasiib wanaagse, waxa dhacday in markii la gaaray habeen barkii in roobkii gaaday duufaankiina joogsaday, ka dibna ay baddii degtey oo ay ku soo noqotay sidii ay ahayd socdaalka bilowgiisii. Badmaaxyadii iyo Naakhuudayaashii doonida, waxay markiiba hagaajiyeen shiraacii iyo dakhalkii. Markii wax kastaba la diyaarinayey oo la damcay in la dhaqaaqo ayaa la garan waayey meelaha la joogay oo ay jehadii ka luntay.
Markii ay arrimi murugtay ayaa naakhuudihii intuu jeebka surwaalkiisa gacanta geliyey kala soo baxay wax saacad la moodo intuu dhugtay buu ku yiri, badmaaxii shukaanta hayey oo doonida waday, «shukaanta ku toosi dhinaca dhabarkaaga ku beegan», jihadaasna waxay ahayd koonfur.
Warsame aabbihii wuxuu la yaabay wixii uu naakhuuduhu sameynayey, markaasuu wiilkiisii ku yiri: «Aabbo waa maxay saacadda uu naakhuuduhu dhugtay, muxuuse u yiri jehadaas doonida ha lagu aaddiyo?». Warsame oo ahaa arday dhigata Fasalka Shanaad ee Dugsiga Dhexe, ayaa aabbihii ku yiri, «Aabbe saacad ma ahayn waxa uu naakhuuduhu dhugtay ee wuxuu ahaa Jiheeye.»
“Waa maxay aabbo jiheeyuhu, muxuuse taraa?” aabbihii ayaa weydiiyey. Warsame ayaa aabbihii ugu warceliyey, “Aabbe, Jiheeyuhu wuxuu ku leeyahay waxtar xagga Juqraafiga, wuxuuna inoo tilmaamaa jahada aynu ka rabno dhulka korkiisa. Waxaana loo baahdaa markaynu jaha-wareero sida maanta ina qabsatay oo kale.”
Sidaas ayey dabadeed socdaalkii ku wateen iyaga oo ku beegan Koonfur oo Kismaayo ku socda.